Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya Kamaa’u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi.
Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Majaariya Gaytho waxa uu ku tilmaamay Tallaabadii ay Kenya u xulatay Khilaafka Somalia ee Xuduud-baddeedka inuu ahaa mid aad caato u ahaa, loona baahnaa in si taxadir leh looga fekerayo xulashooyinka kale ama Tallaabooyinka kale ee fal-celinta ee laga qaadi lahaa Somalia.
Qoraagaasi oo ahaa Tifaftirihii hore ee Maamulka iyo Mashaariicda Khaaska ee Wargeyska Daily Nation, Majaariya Gaytho waxa uu bishan 19-dii Maqaal dheer ku qoray Daily Nation, isagoo taxliil iyo is-barbar dhig ku sameeyey Go’aankii Dowladda Kenya ka qaatay Khilaafka Kenya iyo Tallaabooyin kale ee muhiimka ee loo baahnaa in culayska la saaro.
Waxa uu sheegay in xulashadda kale ee aan lagu xusin Warqadda Dowladda Kenya ka soo saartay Khilaafka Somalia tahay inuu dalka Kenya Soomaalida u tahay hoygoodii 2-aad ee Xafiisyadda Nidaamka Maamulka ee Saraakiisha Ururadda iyo Waaxyaha Dowladda Somalia.
Sidoo kalena ay Siyaasiyiin Sarsare, Shaqaalaha Dowladda iyo Saraakiisha Ciiddamadda Soomaalia ee guryaha qoysaska ku leh gudha Kenya