Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda Kenya Oo Ka Dhacay London

0
650

Magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran,kaasi oo ay dhigeen 100 oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Banaanbaxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Safaaradda Kenya ay ku leedahay London,isla markaana looga soo horjeeday Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka.

Mid kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London oo la hadlay Focus on Afrika ayaa Cambaareeyay boobka ay dowlada Kenya ku heeyso dhulka Soomaaliya iyo tallaabada ay ku dooneyso inay kula wareegto Gobolada Jubbooyinka.

Sidoo kale dadka dhigayay banaanbaxaya ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Doonimeyno Kenya iyo Soomaaliya iib ma’ahan.

Khilaafka Diplomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeertay Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi.