Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa oo maanta gaaray dalka Itoobiya ayaa kulan gaar ah waxaa ay la qaateen Raiisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Ahmed.
Labada masuul ee Soomaaliland iyo iyo Itoobiya ayaa waxaa ay ka Wada hadleen ammaanka iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen ganacsiga iyo arimo kale.
Dalka Itoobiya ayaa caawa waxaa ka soconaya kulamo gooni gooni oo ay yeelanayaan wasiirada amniga iyo Ganacsiga ee Soomaaliland iyo Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyay uu ku tago dalka Itoobiya.