Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Wajahan Dalka Itoobiya Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
669

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta berri ah uu safar ugu ambabaxo Magaalada  Addis Ababa ee Caasimadda  ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi  ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu Martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa la filayaa markii  Madaxweynaha Somaliland uu gaaro Itoobiya in kulan gaar ah la qaato Abiy Ahmed,isla markaana ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah.

Waa markii ugu horreysay ee Muuse Biixi uu safar ku tagayo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda  ee dalka Itoobiya tan iyo markii xilka uu la wareegay Abiy Ahmed.