Gudddomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu ka hadlay howgalo ay ciidamada xoogga ka sameeyay wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanla Weyne ee Gobalkaasi.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in ay ka gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad uu sheegay in jidgooyooyin ay dhigan jireen wadada xiriira Afgooye iyo Wanla weyn, islamarkaana waxaa uu xusay in qaarkood ay halkaasi ku toogteen.
Guddoomiye Bare ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay Falalka amni daro ee ka dhaca qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab mararka qaar weeraro ka fuliya, waxaa uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha arintaasi ay wax badan ka qabteen, islamarkaana weeraro badan ay ka hortageen ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya.
Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan qeybo badan oo ka mid ah Gobalkaasi.