Xulifo ay sameeysteen 16 Gobol oo mareeykanka ku yaala oo uu hogaaminayo gobolka California ayaa Madaxweyne Donald Trump ka gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aankiisa uu xaaladda deg-degga ah kusoo rogay si uu lacag ugu helo darbiga oo doonayo in uu ka dhiso Xuduudda Mexico.
Dacwadda ayaa laga diiwaan galiyay maxkamad ku taala Degmadda Woqooyi ee Gobolka California.
Waxay imaaneeysaa kadib markii uu Madaxweyne Donald Trump hareermaray congress-ka islamarkaana uu wadanka geliyay Xalaad deg-deg ah, Go’aankiisu waxaa uu yimid markii uu Congress-ka ka waayay 5.7 billion oo dollar si uu darbiga u dhiso.
Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka California Shaafiya Beseera aya sheegay in ay Trump Maxkamad geeynayaan si ay u hor istagaan isticmaal xumada Awoodiisa.