Aqriso:-Faah Faahin Dheeraad Ah h Oo Kasoo Baxeyso Qarax Dhimasho Iyo Dhawaac Sababay Oo Ka Dhacay Sh/Dhex

0
650

Gaari nooca waa weyn ee xamuulka qaada ah ayaa maanta waxaa uu ku qarxay wadada xiriirisa jowhar iyo Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe, kadib markii ay miino la kacday.
Gaariga oo ka baxay magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho ee caasimada, waxaana qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaariga xili uu marayay inta u dhexeysa deegaanada Qalimow iyo Ceelka geelow.
Inta la xaqiijiyay wadihii gaariga iyo kaaliyihiisa ayaa ku dhintay sidoo kale wararka ayaa sheegay in qarax uu waxyeelo gaarsiiyay gaari kale oo caasi ahaa, kaasi oo isna marayay wadada inkastoo aanan la ogeyn waxa gaaray dadkii saarnaa gaariga kale.
Qof ku sugan deegaanka qalimow kaas oo diiday in magaciisa iyo codkiisa la adeegsado ayaa idaacada RadioCadaado  u sheegay in xiliga qaraxa uu qabsanayay gaariga ay wadada marayeen kolonyo ka tirsan ciidamada amisom balse ma jirin sida la sheegay wax yeelo amisom soo gaartay