Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay keenaan Soomaalida.

0
662

Afhayeenka ganacsatada Qaadka dalka  Kenya, Kimithi Munjuri ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u keenaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca  badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.
Afhayeenka u hadlay Ganacsatada qaadka ayaa sheegay in soomaaliya markasto ay ku goodiso in ay joojinayso qaadka.
Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba keenta Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100milyan oo shilling Kenya.
“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda”. Sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.
Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladdaha  Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xilligan gaaray meeshii ugu xumaa.