Dhinacyada Yemen oo ku heshiiyay in ciidamada laga saaro Xudayda

0
670

Dhinacyada isku hayo colaada dalka Yemen ayaa isku raacay in dhamaan ciidamada jooga magaalada dakada leh ee xudayda laga saaro.
Magaalo xaybeedka Xudayda oo ku taalo galbeedka dalka Yemen ayaa tan iyo sanadkii 2014’tii waxaa gacanta ku hayay falaagada Xuutiyiinta ee dka dagaalanta gudaha dalkaasi.
Heshiiska haatan lagaaray oo ah wajigii koowaad ayaa daba socda dadaalka ay Qaramada midoobe ugu jirto xal u raadinta colaada dalka Yemen.
Sida aya Qaramada midoobe sheegtay shir labo maalin kasoconayay magaalada xudayda ayay isku afgarteen falaagada iyo dowlada Yemen in dhamaan ciidamada joogo halkaasi laga saaro.
Dabayaaqadii sanadkii aynu kasoo gudubnay ayay ahyd markii dowlada Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta ay heshiisyo dhawr ah kusoo kala saxiixdeen dalka Sweden.
Qaramada midoobe ayaa Colaadaha Yemen ku sheegtay in ay ka dhalatay macluushii ugu xumeed ee soo marta dunida ku dhawaad 5’sano oo halkaasi ay dagaalo kasocdaan.