Madaxwaynaha mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood u isticmaalayo dhisida darbiga kala qaybinayo xadka ay wadaagaan dalalka mareykanka iyo Mexico.
Dhisida gidaarka kala qaybiyo xadka mareykanka iyo Mexico ayaa kamid ah balan qaadyadii ugu waa waynaa uu madaxwayne Trump kusoo galay ololaha doorashadii uu ku soo baxay.
Xisbiga dimoqoraadiga oo kasoo horjeeda qorshaha uu madaxwayne Trump ku dhisayo darbiga ayaa balan qaaday in ay hor istaagi doonaan qorsha walba uu madaxwaynaha darbigaasi ku dhisayo.
Madaxwaynaha mareykanka iyo goalha Congress’ka oo mudo isku fahmi la’aa ansixinta lacago ka badan 5 bilyan ayaa hakad galiyay ku dhawaad 40 maalin qayb ahaan shaqooyinka dowlada mareykanka.
Madaxwayne Trump ayaa ku doodaya in go’aankan uu xaalada deg deg ah ugu dhawaaqayo uu dalka mareykanka ka difaaciyo dad uu ku sheegay in ay qal qal galiyaan amniga dalka.