Golaha Wakiilada ee Maamulka Puntland ayaa maanta u codka Kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.
Wasiiradaan oo u badan dhalinyaro qurba joog ah iyo kuwa kale oo aqoonyahaano dalka ku sugnaa ah ayaa laga sugayaa in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira degaanada Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka Codka Kalsoonida oo ay siiyeen Golahiisa Wasiirada waxa uuna balan qaaday in dhowaan Puntland ka dhici doonto Isbadal dhan walba ah.