Shir lagu go’doominayo dowlada Iran oo ka furmay magaalada Warsaw RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia HOMESOMALI NEWSNEWS IN ENGLISHBARNAAMIJYOTAFSIIRFAALOOYINKALAMAANSPORTSKEYDKA SAWIRADDA Shir lagu go’doominayo dowlada Iran oo ka furmay magaalada Warsaw

0
702

Magaalada Warsaw ee caasimada u ah dalka Poland ayaa waxaa maanta oo Arbaca ah ka furmay Shir looga hadlayo amniga iyo Nabadda.

Shirka oo ay usoo qaban qaabisay dowlada mareykanka ayaa socon doono mudo labo maalin ah.

Bishii lasoo dhaafay xoghayaha arimaha dibada mareykanka Mile Pompeo ayaa shirkani iclaamiyay mar uu booqasho ku joogay magaalada Qaahira.

Ujeedka shirkan ayaa ah in dowlada mareykanka ay taageero u hesho qorshaheeda ku aadan in lago’doomiyo Iran.

Shirkan waxa uu kusoo beegmayaa xilli wadamada ku bahaysan midowga yurub ay raadinayaan qaabkii ay ganacsi toos ah uula yeelan lahaayeen dowlda Iran.

Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii madaxwaynaha mareykanka uu ka baxay heshiiskii xakamayn hubka Niyukleerka kaas oo ay wadamada ugu quwada wayn dunida ay lagaleen Tehran sanadkii 2015’t