Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Koontorool ciidamada xoogga dalka ay ku lahaayeen deegaanka Makuuto oo duleedka ka ah xarunta gobalka bay ee Baydhabo,Saraakiil milatari ayaa dalsan u sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadma ahaa oo ay debley hubaysani ku soo qaadeen.
Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Konfurgalbeed waxaana degan xaaladda deegaanka Makuuto ee gobalka Baay