Taliyeyaasha AMISOM oo shir ugu socda Muqdisho

0
607

Shir soconaya Afar maalmood ayaa magaalada Muqdisho uga bilowday taliyeyaasha Ciidanka AMISOM, kaasi oo ay ku qaabeyn  doonaan qorshaha hagaya Istiraatiijiyadooda xigta.

Ku xigeenka Madaxa AMISOM Simon Mulongo ayaa sheegay in Qorshaha cusub diiradda lagu saari doono fulinta Howgaladda, Waqtiga la fulinayo iyo Taageerada saanadeed ee ay u baahanyihiin.

“Waxaan u baahanahay in isku qaabeeyno waxa yar ee aan heysano iyo fulinta howlgalada si AMISOM aan uga caawino gudashadda Amni sugiddda Soomaaliya” ayuu Molongo ku sheegay qudbad uu ka jeediyay Furitaankii shirka.

Howlgalka Cusub ee Shirkan lagu faaqidi doono waa midka hagaya dhamaan dhaq-dhaqaaqyadda Howlgalka ilaa iyo inta laga gaarayo 2021ka.

Waxaa kulankaan isugu yimid taliye yaasha qaybaha AMISOM ee ka kala socda Wadamadda Howlgalka Soomaaliya ka tirsan, sidoo kale waxaa ka qayb galaya Madax ka Tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo QM.

Mulongo ayaa ku booriyay Taliyeyaasha in ay la yimaadaan qorshe xaqiijinaya in si guul leh loo meel mariyo istiraatiijiyadda Howlgalka.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli AMISOM ay Dalka ka saareeyso 1000 Askari dhamaadka Bsiahaan.

Taliyaha Cusub ee howlgalka Tigabu Yilma ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab kuwaas oo loogu diidayo in ay si xor ah u dhaq-dhaqaaqaan islamarkaana Ciidanka Dolwada lagu Gacan siinayo in ay qabsadaan dhulka ay Al-shabaab maamulaan