SAWIRRO:-Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland oo bur-buriyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Jubada hoose

0
698

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay  dagaalamayaasha Al-shabaab ku lahaayeen meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobo nee Gobalka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay diyaariyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa looga dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay Burburiyeen  Saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen weeraro ay ka geystaan deegaanada ka tirsan Jubbada Hoose.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNa in ciidamada ay kaabiga ku hayaan degmada Jamaame.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoona siiyay Raashin iyo Dawo.