Puntland oo gacanta ku dhigtay dad doonayay inay ku biiraan Daacish

0
647

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Amniga ee maamulka Puntland  ayaa waxaa lagu faahfaahiyay  hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha ku yaalla gobalka Bari

Hawlgalka inta uu socday ayaa waxaa ay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo dagaalamayaashaasi.

“Ciidanka Amniga Puntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka Amniga  la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah, si Puntland looga sifeeyo kooxaha cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri qoraalka