Dowlada Japan ayaa sheegtay in Kuuriyada Koonfureed ay ka dalbanayso in raali galin ay kabixiso eedeyn ay usoo jeedisay boqortooyada Japan intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.
Afhayeenka Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa waqti sii horeysay sheegtay in Ciidamada dalka Japan ay ku kaceen falal galmo ah intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.
Xoghayaha golaha wasiirada Japan oo hadalkaasi ka carooday ayaa sheegay in afhayeenka Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed looga baahanyahay in hadalkaasi ay raagalin ka bixiso.
Waxaan si adag uga soo horjeednaa hadalka aan qiimaha laheen ee kasoo yeeray afhayeenka baarlamaanka Koonfurta kuuriya ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha golaha wasiirada Japan.
Intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa waxaa lasheegaa inkabadan 200,000 oo haween ah oo u badan kuwa soo kasoojeeda koonfurta kuuriya lagula kacay falal galmo