Madaxweyne Deni oo maalmaha soo socda ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada Cusub ee Punland

0
729

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo uu dhawaaqo golaha cusub ee wasiirada Maamulkaasi.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu ka soconayay Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.

Qaban qaabadii ugu dambeeysay uu ku magacaabayo Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland ayaa laga dareemayaa deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa laga sugayaa inuu soo  dhiso xukuumad tiro ahaan yar, islamarkaana  tayadeeduna sarrayso.

Lama oga in ay soo laaban doonaan qaar ka mid ah Golihii wasiirada ee xukuumadii Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.