Cabdi Xaashi Cabdulahi Guddoomiyaha aqalka sare iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo,kuwaasi oo ka kooban xubnaha Labada Gole ee BFS iyo wasiiro oo u hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed ee Seoul.
Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ayaa magaaladda Seoul ee caasimada Kuuriyada Koofureed uga qeyb geli doona Kulan caalami ah oo looga hadlayo arrimaha nabada aduunka.
Kulankaasi looga hadlayo arrimaha Nabada Caalamka ayaa socon doona inta u dhaxeyso 7-11 Bishaan, waxaana berri ah uu ka furmi doonaa Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed