Taliyihii Ciidamada Bariga G/Sanaag ee Somaliland oo la sheegay inuu isku dhiibay Puntland

0
598

Taliyihii Ciidamada Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa la sheegay inuu  isku dhiibay dhanka  Maamulka Puntland.

Gaashaanlle sare Caydiid Axmed Nuur,  ayaa isu dhiibaya Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sanaag qeybta ay ka maamusho dowlad gobaleedka Puntland.

Taliyaha iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa ka tagay Magaalada Qardho ee  Gobolka Bari, waxaana la tilmaamay in saraakiil ka tirsan Puntland ay qaabileen Jananka iyo ciidankiisa.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan sarkaalkan isa soo dhiibay, islamarkaana ka soo goostay Soomaaliland