Dekeda Boosaaso oo maanta xiran

0
666

Dekeda magaalada Boosaaoso ayaa maanta xiran, kadib markii shalay halkaasi lagu dilay shirkadda P&O Ports ee dekedda magaalada Boosaaso.

Qaar ka mid ah shaqaalihii la shaqeyn jiray dekeda Boosaaso ayaa waxaa loo sheegay in maanta wax shaqo ka jirin, islamarkaana loo sheegay in mudo ah la hakinayo shaqada ka socotay dekeda Magaaladaasi.

Dilka loo geystay Maamulihii shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa isla shalay sheegtay mas’uuliyadiisa dagaalamayaasha Al-Shabaab,waxaana la filayaa in Maanta Meydkiisa loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta si loogu gudbiyo Jaziirada Malta ee dalka Talyaaniga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaay in ciidamada amaanka ay maanta baaritaano ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Boosaaso.

Arintan ayaa ka dambeeysay kadib markii shalay Madaxweyne Deni uu amray ciidamada in ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari