Wasiir Caadle Oo Sameeyay Xilka Qaadis Iyo Magacaabis (Wareegto)

0
677

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowlada Hoose Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta waxaa Xilka looga qaaday Guddoomiyihii  Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan,iyadoon mid cusub lagu magacaabay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Jawiil ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Cabduqaadir Cabdi Cabdullaahi,kaasi oo bedel u noqonaya Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiir Caadle laguma sheegin Magaca Guddoomiyihii hore ee degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan oo Maanta xilka qaadista lagu sameeyay.

Dhammaan Hay’addaha amniga iyo Shacabka ayaa waxaa la faray in ay la shaqeeyan Guddoomiyaha cusub si uu uguto waajibaadkiisa shaqo.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle.