IIraan oo soo bandhigtay gantaal cusub oo ah nuuca ridada dheer

0
839

Dowlada Iiraan ayaa soo bandhigtay gantaal casri ah oo ay ridadiisu gaarayso 1,300 oo kilo miter.

Gantaalkan casriga ah ayaa dowlada Iran waxa ay kusoo bandhigtay xuska sanadguurada 40’aad markii la’asaasay Kacaanka Islaamiga ah ee dalkaasi.

Tehran waxa ay sheegtay iney sii ballaadhisay barnaamijyada ay ku sameeysaneyso hubka iyo gantaallada riddada dheer kuwaas oo ay jawaab kaga dhigeyso cadaadiska xoogan ee ka haysto dowladaha reer galbeedka.

Taliyaha sare ee ciddamada kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in Iiraan ay ku qasbanaatay iney sii wado ballaarinta hubka casriga ah.

Wasiirka gaashaandhigga Iiraan Amir Hatami ayaa dhankiisa sheegay in Gantaalka la soo bandhigay uu awood u leeyahay isaga oo bad sare ku soconaya in uu muddo gaaban ku gaaro halka lala beegsado”.

Madaxwaynaha mareykanka Donald Trump ayaa cunaqateen xoogan saaray dalka Iran kadib markii uu iskaga baxay heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka ee Iran lalagalay sanadkii 2015.