Dowladda Kenya Oo Qorsheynaysa Inay Xiraan Xeradda Dhadhaab, Kadib, Weerarkii Hotel Dusit D2 Ee Nairobi

0
617

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dib-u-eegis ku samayn doonaan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab ee W/Bari ee dalkaasi, kadib, weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, oo ay 21 qof ku geeriyootay.

Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ay Dib-u-eegistaasi timid, iyadoo Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegeen in mid ka mid ah 5-tii qof ee weerartay Hotelka Dusit D2 inuu Kenya ka soo galay Xeradda Qaxootiga ee Dhagaxley oo ku dhex taalla Xeradda kale ee Dhadhaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Baaritaano ay Boliska Kenya sameeyeen ayaa muujinaysa in Eedeysane aan la shaacinin oo iska dhigayey Qaxooti loo soo fududeeyey sidii ku imaan lahaa Nairobi, ugana qeyb geli lahaa Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta Boliska Kenya oo loo soo dusiyay Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday Standard ee mataanka la ah wargeyska maalinlaha ee Standard ayey Bolisku ku sheegeen inaysan sugnayn xaalladda Ammaanka Kenya iyo inay Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla Garissa xudun u yihiin falalka dembiyadda iyo weeraradda ka dhaca Kenya, waa sida  hadalka loo dhigay.

Warbixinta Boliska Kenya waxaa kaloo lagu muujiyey in Xeryahaas Qaxootiga dhexdooda ka jiraan hawlo aan shaci ahayn, sida Tahriibinta dadka, Dukumentiyadda Been Abuurka, dhaqdhaqaaqa Badeecadaha Kontorobaanka iyo hubka sida qarsoodiga looga keeno Somalia, waa sida ay Boliska Kenya sheegeen.

Dowladda Kenya weli kuma dhawaaqin qorshaha la sheegay inay ku xiri doonaan Xeryahaasi, balse waxaa socda La-tashiyo iyo Dib-u-eegista qorshahaasi.

Sannadkii 2016-kii, Dowladda Kenya waxay amartay in la xiro Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, kadib, markii Wargeyskii Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ee geeriyooday, Joosef nakaysaeri sheegay inay Xeryahaasi khatar amni ku yihiin Kenya.

Balse, Maxkamad ku taalla Kenya waxay laashay Go’aankaasi bishii Feberaayo ee saannadkii 2017-kii, waxayna Maxkamaddu sheegtay inaysan sharci ahayn Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeryaha Qaxootiga ee dalkaasi.