Wasiirka Batroolka oo ka jawaabay eed kaga timid xisbiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

0
669

Wasiirka Batroolka iyo macdanta ee xukuumadda soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo la hadlay radio cadaado ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedda loo jeediyay xukuumadda soomaaliya ee ahaa inay xaraasheyso shidaalka soomaaliya.
Shirka London ka dhaci doono 7 bisha febraayo ayuu ku sheegay wasiir Cabdirashiid in lagu soo bandhigi doono maclumaad laga uruuriyay gobalada dalkeena soomaaliya, kuwaasi oo la doonayo in laga qodo shidaal arrintaana ay keentay shirkadaha caalamiga ah loo bandhigo si ay umaal-gashtaan.
Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa wasiirku inay ku dedaali doonaan in dhaha maalgashatayaasha caalamka ay ku soo jeediyaan soomaaliya taa badalkeedane loo baahnayahay in shacabka soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan madaxdooda.
Maalmihii danbe waxaa jiray muran ay dadka qaar ka keenayeen Shirka ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.