Maxkamada Magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa xaqiijiysay in ay sii deysay Saddex qof oo loo heystay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay abaabuleen Weerarkii lagu qaaday dhismaha Dusit D2 Nairobi, bartamihii Bishii hore.
Magacyadda dadka la sii dayay ayaa kala ah Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur.
Siideynta ayaa timid ka dib marii Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.
Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay Dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.