Ciidamada Booliska ee degmada deyniile Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay maanta gacanta ku dhigeen koox burcad ah oo dadka shacabka ee dagmadaasi dhac ugu geysanaysay xaafada Barwaaqo ee ka tirsan degmadaasi.
Kooxaha ay ciidamada booliska ay soo qabteen ayaa waxaa ay tiradooda gaareysaa ilaa iyo afar ruux, kuwaasi oo shacabka ka dhacayay waxyaabaha ay wataan, sida taleefoonada gacanta lagu qaato.
Mid ka mid ah dadka ay dhaca u geysteen kooxda burcad ah ayaa KNN u sheegay in afarta nin gacanta lagu dhigay, islamarkaana mid ka mid ah la dhaawacay, xili uu doonayay inuu ka baxsado ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya.
Shacabka Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ay ka nasteen dhaca ay geysan jireen kooxaha burcada ah.