Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo lagusoo rogay xayiraad dhanka safarka ah

0
665

Maxkamada sare dalka Venezuela ayaa sheegtay in uusan dalka kabixi Karin hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi Juan Guaidó kadib markii ay kusoo rogtay xayiraad dhanka safarka ah.

Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela ayaa isbuucii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in uu yahay madaxwaynaha kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Xiisadaha siyaasadeed ee kajira dalka Venezuela ayaa sare u kacay kadib markii horaantii bishan madaxwaynaha dalkaasi Nickolas Maduro uu markale ku guulaystay madaxtinimada dalkaasi.

Dowlado badan oo ay horboodayso dowlada Mareykanka ayaa qaadacay doorashadaasi iyagoona maalmo ka hor hogaamiyaha mucaaradka Venezuela u aqoonsaday madaxwaynaha kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Madaxwayne Maduro ayaa dhankiisa taageero xoogleh ka hela dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo muujiyay taageerada ay u hayaan hogaamiyaha shuuciga ee dalka Venezuela.