(Warbixin) Maxay Salka Ku Heysaa Booqashada Uhuru Kenyatta Ee Dalka Eritrea?

0
612

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista ee soo socota booqasho ku tago caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, sida ay sheegeen Warbaahinta dalkaasi.

Uhuru Kenyatta waxaa la filayaa inuu dhigiisa dalkaasi, Isaias Afewerki kala kala xaajoodo xiriirka labada dal, sidii Safaaradda Kenya looga furi lahaa caasimadda Eritrea ee Asmara iyo Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Arrimaha Gobalka.

Madaxweyne Uhuru Kenya waxa kale oo uu doonayaa inay Dowladda Eritrea ka taageeraan La-dagaalanka Alshabaab, iyadoo Dowladaha Kenya sheegtay inuu Xiriirka Eritrea aad muhiim ugu yahay La-dagaalanka Alshabaab, sida ay qoreen Warbaahinta Kenya.

Socdaalka uu Madaxweynaha Kenya ku tegi doono dalka Eritrea oo ah  tii labaad ee uu ku tago dalkaasi tan iyo sannadkii 1999-kii ayaa waxay ku soo beegantay weerarkii ay  Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, oo ay 21 qof ku geeriyootay.

Si kastaba ha ahaatee Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dal ayaa aad u xumaaday sannadkii 2011-kii, kadib, markii ay  Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ku eedeysay Dowladda Eritrea inay taageero Milliteri siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, inkastoo ay Dowladda Eritrea si joogto ah u beenisay eedeymahaasi