-Hooyo Xaliimo”Curadkeyga Aniga Oo Lugeynaayo Aan Wadada Ku Dhalay Nafaqa Darro Ayuu Iiga Geeriyooday”

0
744

Xaliimo Axmed Maye waxa ay ka mid tahay tiro dad ah oo kasoo barakacay,kuwaas oo kasoo barakacay tuulooyin hoostaga degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib markii ay saameysay abaar halkaasi ka dhalatay.

Waxa ay Hooyo Xaliimo Axmed Maye soo aaday dhinaca Magalada Muqdisho,hayeeshee intii ay wadada kusoo jirtay ayay u mushay,waxaana ay ugu dambeyn soo gaartay Kaamka Alla-fuutu ee deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa nafaqa darro uga geeriyooday curadkeedii ay wadada kusoo dhashay intii ay soo lugeyneysay.