0
689

Wararka laga helayo Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish uu maanta ka qarxay deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso.
Goobjoogayaal ayaa  Radio Cadaado u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas iyo madaafiic culus oo labada dhinac ay is-ku adeegsanayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Daacish ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Al-shabaab iyo Daacish.
Ma jiraan weli wax faah-faahfaahin ah oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa.
Cabsi badan ayaa xilligan soo wajahday Shacabka ku nool deegaanada ay weli ku dagaalamayaan Al-shabaab iyo Daacish.