Shan Qof oo aano qabiil loogu dilay Hiiraan.

0
684

Inta la ogyahay  5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah, kaasi oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceel Xeero, halkaas oo lagu dilay laba qof oo reer miyi xoolo dhaqata ah.

Odayaal degaanka ayaa ku baxay in ay ka hortagaan iska hor imaadyo kale oo degaanka ka dhaca.

Waxaa deggan xaalada degaano ku yaala xuduuda Goblada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo horaantii todobaadkan ay ka dhaceen dilal ku saleysan aanooyin qabiil.