Sawiradda iyo Magacyadda raggii Daacish looga dilay Soomaaliya

0
692

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya ayaa soo bandhigtay Magacyadda raggii looga dilay Soomaaliya sanadyadii ugu dambeeyay.

Daacish, masoo bandhigin xubnihii looga dilay Koonfurta Soomaaliya ,laakiin waxa ay shaacisay dhowr xubnood Magacyadooda iyo Sawiradooda kuwaasoo ay sheegeen in looga dilay gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Maxamed Makawei Ibraahim Maxamed oo u dhashay dalka Sudan, kaasi oo ay Alshabaab horey u dileen dabayaaqadii sannadkii 2015-kii, islamarkaana ka mid ahaa xubnaha ay lacagaha duldhigtay dowladda Mareykanka, waxaa kaloo loo heystay  dilka Muwaaddin Mareykan ah oo uu 2008dii ku dilay Magaalada Khartuum.

Yuusuf  Majeerteeni oo haystay dhalashadda dalka Kanada, isla markaana ahaa Dhakhtar, waxaana uu ka mid ahaa dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Bari.

Bashiir Abu Nucmaan  ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee Daacish ee Soomaaliya,laakiin waxaa dilay dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib markii ay isku dhaceen.

Raggaan badankood waxa ay ku baxeen gacanta Al-Shabaab, waxaana dhawaan Shabaab ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Daacish, waxaana markii ugu horreysay oo Daacish ay soo bandhigto raggii ay ka dileen Al-Shabaab.