Gudoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Garowe

0
696

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Garowe waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Waxaa uu ka qeyb gali doonaa Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.