Dowladda Gaana Oo Ciiddamo U Soo Dirtay Somalia

0
658

160 ka tirsan Boliska dalka Ghana ayaa loo soo diray Somalia, si ay qeyb uga noqdaan Hawlgalka AMISOM.

Ciiddankaasi ayaa la sheegay inuu fariisinkooda noqon doono magaalladda Muqdisho.

Go’aanka ay Dowladda Ghana ku soo dirtay Ciiddankaasi ayaa la shaaciyey, kadib, markii ay Koox ka kooban 10 Sarkaal ay  booqasho 5 maalmood ah ku yimaadeen Somalia, iyagoo Madaxda Hawlgalka AMISOM kala hadleen sidii  Ciiddanka Cusub loogu diyaarin lahaa qalabkooda Ammaanka iyo Loojistikadda

Wafdiga Hordhaca ee ka socda Ghana waxaa hoggaaminayey Agaasimaha Boliska Ghana ugu qaabilsan Xiriirka Caalamiga, Kaaliyaha Taliyaha Boliska dalkaasi iyo Saraakiil kale.

Wafdigaasi waxay Kulamo La-tashiyo ah la yeesheen Saraakiisha AMISOM ee ku sugan magaalloooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyo Xeradda Aljazeera 2 ee ay Ciiddanka Boliska Ghana la deji doono.

Dhinaca kale, Ciiddanka Boliska Ghana waxaa la sheegay in la dejin doono magaalladda Baydhabo ugu dambeyn bisha June ee sannadkan 2019-ka.