Madaxweyne Farmaajo Oo La Filayo Inuu Shir Uga Qeyb Galo Dalka Lubnaan

0
679

Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo  ka mid yahay Madaxda Dowladaha Carabta ee ka qeyb geli doona Shirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda Carbeed (Arab Economic and Social Development summit) oo la filayo inuu berrito oo Axad ah ka furmo  caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut.

REUTERS waxay soo xigatay Ilo ka tirsan Guddiga qabanqaabadda Shirkaasi inay sheegeen Arrintaasi.

Guddigu waxay kaloo sheegeen inkastoo 8 Hoggaamiye Carbeed asal ahaan horey loo filayey inay gaaraan Beyruut, haddana waxay Guddiga xaqiijiyeen inay Madaxweynayaasha Somalia iyo Mauratania oo keliya oggolaadeen inay ka soo qeyb galaan Shirkaasi.

Dhinaca kale, Xafiiska Madaxweynaha dalka Lubnaan, Misheel Coon waxa uu maanta sheegay  inuu Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani sheegeen inuu isagu u imaan doono, isagoo hoggaaminaya  Wafdiga Qatar kaga qeyb geli doona Shirkaasi.

Qabsoomida Shirkaasi ayaa u muuqda mid uu hareyn doono Khilaafka Gobalka , Colaadda Syria iyo Isbahaysigooda Iiraan,  Khilaafka Khaliijka iyo Kala-qeybsanaanta weyn ee ka jirta gudaha dalka Lubnaan.

20-Dowladood oo ka qeyb geli doona Shirkaasi oo ay ka mid yihiin Masar iyo Kuawetr waxay sheegeen inay Shirkaasi u soo diri doonaan Ra’isul-wasaaro, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ama kuwa Maaliyadda.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay ku gacan-sayreen Fikradda Shirkaasi oo laga yaabo inay tiro kooban ka soo qeyb galaan.

Bishii la soo dhaafay, Amiirka dalka Qatar waxa uu qaadacay  Casuumaaddii Boqorka Shirka Sacuudiga ee ka-qeybgalka Shirka Gacanka Carbeed oo lagu qabtay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, wuxuuna Shirkaasi u diray Wasiir-dowlahiisa, taasi oo muujisay Khilaafka xooggan oo weli ka dhexeeya 6-da Waddan ee ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar waxay xiriirka Diplomaasiyadeed, Ganacsi iyo Gaadiid u jareen Dowladda Qatar bishii June ee sannadkii 2017-kii.

Wxaayna ku eedeeyeen Qatar inay taageerto kooxaha loogu yeero Argagixisadda, inkastoo ay Dowladda Qatar beenisay arrintaasi.