Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Qarax Ka Dhacay G/ Bari

0
601

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay G/ Bari ee maamulkaasi.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamadaasi, xilli ay howlgallo ka wadeen deegaanka Toga Bal-Khadar ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Dhinaca kale Al Shabaab oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegtay masuuliyaddiisa, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan ay ku dileen 1 Askari, kuna dhaawaceen 4 kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidanka Puntland oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari.