Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino ka dhacay Buuralayda Galgala,kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,waxaana Ciidamada lagula eegtay xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Toga Bali-khadar ee Buuralayda Galgala.
Ugu yaraan hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland ayaa ku dhintay,halka asaddex kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi,waxaana dhaawcayada iyo Midka dhintay meydkiisa la keenay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysan weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo Magaalada Boosaso u jirta 55KM,Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar ka mid ah oo baxsad ah ay arkeen.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan weerarkii lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Puntland,kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.