Amar Cusub Oo Lagu Soo Rogay Shaqaalaha QM Ee Ka Howgala Muqdisho

0
651

Qoraal Ogeysiin gudaha  oo ay QM u kala dirtay Shaqaalaheeda ka hawl-gala Somalia, ayey QM ku sheegtay inay dib u eegi doonaan Shaqaalaha ka jooga caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu QM iyo DFS  ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed iyo Duqeyntii bilowgii bishan lagu dhawaacay 3 ka mid ah Shaqaalaha QM oo ku sugnaa Xaruntooda Xalane.

Qoraalka Ogeysiinta waxay QM ku sheegtay in Go’aankaasi la qaatay sidii loo yarayn lahaa Shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo qorshahaasi  la meel-marin doono sida ugu dhaqsaha badan mustaqbalka  dhow.