Ciidamo Isugu Jira Soomaali Iyo Ajnabi Oo Weeraray Degmada Awdheegle

0
772

Xalay Saqdii ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen ciidamo Mareykan ah waxa ay weerar ku qaadeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Radio Dalsan in Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ah oo wada socda ay markii hore weerar dhinaca dhulka ah ku qaadeen degmadaas,hayeeshee uu dagaal xoogan dhexmaray,iyaga iyo Al-Shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degmada Awdheegle,sida deegaanada Buulo Gaash iyo Bur Salaad oo ku aadan wadada ka timaada deegaanka Mubaarag ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal xoogan oo mudo socday ayaa halkaasi ka dhacay kaas oo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli Habeen ah,waxaana dad ku sugan degmada Awdheegle oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Warbaahinta ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hubka la isku adeegsanayay.

Sidoo kale waxa jirtay intii uu dagaalka socday duqeyn dhinaca cirka ah,isla markaana laba Gantaal ay ku dhaceen  Goob Ganacsi oo dharka lagu iibiyo oo ku taalla degmada awdheegle iyo Kaalin Shidaal.

Jawiga Guud ee degmada Awdheegle ayaa si caadi ah kusoo laabtay saakay,waxaana dadka degmada ay sheegayaan in dadka badi ay howlahooda ay iska wataan,in kastoo ay tahay Jimco inta badan ay xiran yihiin Goobaha Ganacsiga Magalada.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Maamulka Gobolkaas weli kama hadlin weerarkaas xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen ciidamo Mareykan ah ay ku qaadeen degmada awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.