Banaanbax ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka dhacay Gedo

0
896

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in bannaanbax rabshado wata oo looga horjeedo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee  maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan uu maanta  ka dhacay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Dadweynaha Garbahaarey ayaa diidanayaa Imaashaha madaxweynaha ku xigeenka koowaad, iyagoona ku eedeeyay in Jubbland ay dhibaato ku wada deegaanada Gobaka Gedo, islamarkaana madax ka tirsan jubbaland aan looga baahneed Degmada Garbahaarey.
Banaabaxayaasha ayaa tagay saldhig uu ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka, iyadoona markii dambe la sheegay in ciidamo itoobiyaan ah ay ka wadeen goobta uu banaanbaxa ka dhacay.
Ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland iyo masuuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaarey.
Dhawaan ayay aheyd markiii Shacabka  ku nool  degmada  Garbahaarey iyo saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga ay ka hor yimaan  wasiiro ka tirsan Jubbaland , oo hor dhac u ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la sheegay inuu qorshaynayo inuu booqdo Degmada Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka tirsan Gedo.
Wasiirada xiliggaasi hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ah  wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aden Aw-hersi iyo xubno kale, iyagoona  lagala hor yimid banaanbax looga soo horjeedo.
Xaalada degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa hada waxaa ay tahay mid degan