Banaanbax lagu taageerayo sida ay dowlada Soomaaliya ugu ceyrisay dalka Wakiilka Qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta ka soconaya Degmada Cabdi Casiis ee Gobalka banaadir.
Waxaa banaanbax soo qaban qaabiyay Maamulka Gobalka banaadir, iyadoona ay ka qeyb galayaan kumaan dadweynaha.
Dadka Shacabka ee ku sugan degmada Cabdi Casiis ayaa ka hadlay Go’aanka ay dowlada Federaalka soomaaliya ay dalka ugu ceyrisay Nicholas Haysom.
Boqolaalka shacab ah ee ka qeyb galaya banaanbax ayaa sheegaya inay aad u soo dhaweynayaan Go’aanka Dowlada dhexe.