Jigjiga: Wiil Iyo Hooyadii Kala Maqnaa Dhowr Iyo Toban Sanadood Oo Dib U Midoobay

0
985

Magaalada Jigjiga, wiil iyo hooyadii kala maqnaa muddo dhowr iyo toban sanadood ah ayaa dib ugu midoobay magaaladaasi.

Cabdulqaadir Suldaan Maxamed ayey u suuragashay inuu la kulmo hooyadii Cubeedo Maxamed Cabdisa

laam kaddib markii shalay magaaladaasi laga soo dajiyay ku dhawaad 300 oo askari oo ka tirsanaa ciidammada ururka ONLF kuwaas oo ka soo guryo noqday dalka Eritrea.

Cabdulqaadir ayaa waxaa xabsiga u taxaabay maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya halkaas oo uu muddo ku jiray xabsiga Jigjiga, ka hor inta uusan duurka gelin

Muddo ayaa la kala furfuri waayay Cabdulqaadir iyo hooyadii oo ay ilmadu ka qulqulaysay farxad awgeed.

Waalidiin iyo Carruur badna ayaa kulmay tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,kuwaas oo ku kula irdhoobay dagaaladii dhexmaray ONLF iyo Itoobiya.

BBC SOMALIA