Duqii Hore Ee Muqdisho Taabit Cabdi”Shaqaalaha Shirkadda Hormuud Waxaa Beegsanaya Kooxda Daacish”

0
839

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dilal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho gaar ahaan kuwo sigaar ah loola beegsaday Shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Waxa uu sheegay in Hormuud ay tahay Shirkad sigaar ah u metesha Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka helaan Adeegyo muhiim ah.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dilalka loo geysanayo Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ka dambeeyaan Kooxda Daacish oo uu sheegay inay u diiday lacag baad ah oo ay ka doonayeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Akhriso Qoraal Dheer oo uu Taabit Cabdi kusoo qoray Bartiisa Facebook.

Hormuud Telecom, waa shirkad si guud u matasha bulshada Soomaaliyeed marka la eego tirada shaqaalaheeda, saamileyda iyo dadka ku xiran adeegyada ay bixiso, waxaana ku tilmaami karaa tiir dhexaadka bulshada Soomaaliyeed.

Maalmihii dambe waxaa si bareer ah loo toogtay ku dhowaad 10 ruux oo shaqaalaha shirkadda ka mid ahaa, kuwaas oo ay dileen kooxda Daacish markii ay shirkadu diiday lacago baad ah oo laga dalbaday, si ummada Soomaaliyeed loogu gumaado.

Fal-celinta arrintaas iney dil noqoto inaguna aan fiirsano waa nasiib daro. Gumaadka ku socda shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom wuxuu galaafanaya nolasha dadkeennii qiimaha lahaa, wuxuu niyad jabinaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna dhabbe u furaya lacagaha sida dulmiga ah looga qaado ganacsata Soomaaliyeed.

Waxaan tacsi u diraya shirkada Hormuud iyo ehelada dadkii sida gardarada ah ay cadowgu u dileen, anigoo caafimaad u rajeynaya kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada u jiifa dulmigaas. Waan ka xumahay in cadowgu ay si fudud maalin walba wax ku dilaan, kuna baxsadaan.

Waxaan soo jeedin lahaa in shacab iyo Dowlad intaba laga dhiidhiyo arrintaan, oo la garab istaago Hormuud Telecom, si cadowgu u arkaan isku duubni iyo cudud mid ah, waxaan kaloo hay’addaha amniga usoo jeedin lahaa iney si gaar ah ula socdaan fal-kaan lagu beegsanaayo Hormuud Telecom.

Hadii aan arrintaan indhaha ka fiirsano, waxay ina dhaxalsiin kartaa cawaaqib-xumo bulsha ahaan iyo dhaqaale ahaan ina wada saameysa.

Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrintaan.

Mahad-badan