Waxaa Goordhow furmay kulanka 21-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Kulanka oo ay goobjoog yihiin 156 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka.
Markii ugu horreysay kulanka Maanta waxaa Goobjoog ka ah kana qeyb galaya guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo aan la kulamada lagu arkin tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.