Muddo maalmo ah ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa laga mamnuucay inay ka hawlgalaan gaariga NOAH-da iyo mootooyinka Bajaajta, kadib amar ka soo baxay taliska booliska Koonfur Galbeed.
Ujeedka loo hakiyay gaadiidkan ayaa saraakiisha ammaanka waxa ay ku sheegeen inay tahay inuu jiro tuhun ah in ay qaraxyo maleegayaan Ururka Al Shabaab, islamarkaana gaadiid qaraxyo saaran yihiin ay magaalada ku jiraan.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay maalmaha gaadiidka la hakiyay inay jiri doonaan hawlgallo gaar ah oo ay sameyn doonaan ciidamada ammaanka, islamarkaana meelo gaar ah ay bartilmaameedsan doonaan.
Dhinaca kale General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay hawlgal ay sameeyeen inay ku soo qabteen rag badan oo looga shakisan yahay in lagu tuhmayo qaraxyadii Sabtidii ina dhaaftay ka dhacay magaalada Baydhabo.