Akhriso:-Galmudug Oo Soo Saartay Eedeyn Ka Dhan Ah Dowladda Soomaaliya

0
996

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa edeyn loogu jeediyey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,kadib hsirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee lagu soo geba gabeeyey Magalada Kismaayo.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya faragelin toos ah ku heysso Maamulka Galmudug,iyaga oo shegay in faragelintaas uu hormuud u yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa Galmudug ay soo qaatay saddex Qodob oo ay ku sheegeen inay yihiin qodobada ugu waweyn oo ay ka tirsanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  1. In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uusan wax tix-galin ah siinin qodobadii ku cadaa war murtiyeedka ee qeexayey qaabka la isugu imaankaro, islamarkaana casuumaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada.
  2. Faragalinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso Dowlad Goboleeyada.
  3. In Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hormuud ka yahay faragalinta qaawan ee lagu hayo Dowlad Goboleeyada, kadib markii uu labada Gudoomiye Baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabeelle u balan qaaday wadashaqeyn
  4. Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka shaqeynayo faragalin qaawan oo uu ka wado deegaanada Galmudug qaarkood, si loo burburiyo dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo ASWJ.

    Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen Shacabka ku sugan deegaanada Galmudug inay ka digtoonaadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta faragalinta qaawan ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  5. Halkan-Ka-Akhriso-War-Saxaafadeedka-Galmudug