Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay qaabilaada odayaasha iyo duubabka dhaqanka beelaha

0
659

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qaabilaada iyo la kulanka Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee beelaha, waxaana uu xalay la kulmay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Muddullood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay odayaasha iyo waxgaradka ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo maalmo ka hor uu guuray, isla markaana u raray howl maalmeedkiisa shaqo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka xalay uu ahaa mid is xog wareysi ah iyo xaaladaha dalka, iyadoo ay jireen Odayaasha qaar tabashooyin ay dowladda ka qabeen, gaar ahaan arrimaha ka jira Caasimadda iyo xirnaanshaha waddooyinka.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin, hase ahaatee qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale waxaa caawa lagu wadaa in Madaxweynaha la kulmo duubabka dhaqanka beelaha kale, waana markii u horeysay Madaxweynuhu bilaabo qaabilaada odayaasha iyo duubabka dhaqanka oo aan looga baran mudadii sanadka iyo bilaha ee u xafiiska joogay.

Dhinaca kale waxaa iyana shalay dib u dhac ku yimid kulan Ra’iisul Wasaaraha la qaadan lahaa odayaasha dhaqanka Muddullood, lama oga sababaha kulankan loo baajiyay, hase ahaatee qorshaha ayaa ahaa in kulanka uu dhaco ka hor inta uusan Madaxweynaha la kulmin.