Waraabe dad ku cunay Waqooyiga magaalada Hargeysa.

0
1244

Dadka degaanka Cabdi Geeddi ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Waraabe uu weerar ba’an ku hayo islamarkaana uu cunayo dadka degaanka.

Yaxye Cabdullahi Xuseen waxaa uu ahaa wiil 8 jir ah,Waraabe ayaa ku qaaday degaankaas,waxaana laga soo dhiciyay isaga oo dhaawac ah .

Waxa looq aaday Dalka Jabuuti halkaas oo uu ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray Qaniinyada Waraabaha.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in wiilkaasi yahay qofkii 4aad ee sanadkan 2018 oo kaliya uu Waraabe cuno,waxaana ay sheegayaan in weerarrada waraabaha ay aad u badanayaan.

Waxaa ay dowladda ka codsadeen in ay wax ka qabato weerarka Waraabaha oo ay sheegeen in uu bartay Hilibka Dadka islamarkaana weerarro joogta ah qaado.

Waxaa ay sheegeen in Waraabaha degaankaas ay isugu mid tahay Habeen iyo Maalin islamarkaana weerarka uu si joogto ah u qaado.