Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka waxaa ka furmay Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeybgelayaan Madax ka socota Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
Shirkan oo labo maalmood ah ayaa waxaa uu looga hadlayaa arrimaha amaanka,Dhaqaalaha,Siyaaasadda iyo horurmarka ay sameysay Dowladda Federaalka ah.
Wakiillada Beesha Caalamka,Danjirayaal iyo wafddi ka socda Soomaaliya ayaa shirkan uga qeybgelaya Brussels.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhinaca Mas’uuliyiinta Soomaalida ay la tagayaan waxaa ka mid ah in gargaarka Soomaaliya la siiyo dowladda toos loo siiyo halkii gacan saddexaad loo marin lahaa.